Erdogan iyo Trump oo kulamaya

Image

Madaxda dalalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa lagu wada inay maanta ku kulmaan Aqalka Cad sida ay sheegayaan wararka kasoo baxay xarunta looga taliyo USA.

Labada Madaxweyne Donald Trump iyo  Rajeb Tayyib Erdogan, ayaa la filayaa inay kawada hadlaan arrimo ay ku jirto xasarada ka dhalatay howlgalka Maraykanku hogaaminayo ee lagula dagaallamayo kooxda Daacish.

Xiisadda ayaa ka dhalatay go'aanka Mareykanka uu ku hubeynayo malayshiyaadka kooxda Kurdiyiinta ee YPG oo dagaal kula jira kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Turkiga ayaa YPG u arka urur Argagixiso ah oo kasoo farcantay kooxda PKK oo dagaal kula jirta xukuumadda Ankara.

Tallaabadaas ayaa keentay in dhawaan Turkigu shaaciyo inuu yarayn doono dhaq-dhaqaaqa Saldhiga uu Maraykanku ku leeyahay dalkaas.

Turkiga ayaa muhiim u ah howlgalka xukuumadda Washington ee dalka Suuriya.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay aad uga munaaqishoodaan arrimahan is-diidan.

Erdogan ayaa dadaal ugu jira in Maraykanku ka laabto go’aanka uu ku hubaynayo kooxdaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM