​Erdogan oo eedeeyay Sarkaal Maraykan ah

Image

ANKARA, Turkey-Dalka Turkiga waxaa wali kasocda qorshayaa xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Edogan uu ku suulinayo dadkii ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay bishan July.

Waxaa shaqada laga eryay kumaan ka mid ah ciidamada qalabka sida, macallimiin iyo xitaan wariyaal.

Balse, markii ugu horraysay waxaa tuhun galay saraakiil sar sare oo Amerikan ah, waxaana lagu dhaleeceeyay inay taageersanyihiin inqilaabkii fashilmamay ee xilka looga xayuubin lahaa madaxweynaha hadda talada haya.

Janaraal Joseph Votel oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada Mareykanka ee dalkaas ayaa lagu eedeeyay inuu la jiray dadkii afgambiga waday isagoo loogu  baaqay inu taageero dadaallada ay waddo xukuumadda Ankara.

Hadal uu ka jeediyay magaalada Ankara, madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu sheegay in dalalka cambaareynaya howlgalka maamulkiisa, looga baahan yahay inay mahdiyaan sida uu uga hortagaya fagembiga.

"Markii uu dhaco weerar argagixiso dunida oo dhan ayaad qaylo dhaan gaarsiisaan, laakiin markii anga nala afgambiyo oo la bur-buriyo dimuqraadiyadda ka jirta waddankeen waxaad u hadlaysaan sidaan oo kale,"Ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim oo la hadlay taageerayaasha dowladda waxa uu sheegay inuu amray in la xiro saldhigyada ay ka mid ahaayeen ciidamada ka qeybgalay afgembiga.

Dhanka kale 21 weriyayaal ayaa waxaa la horkeeyay maxkamad ku taalla Istanbul, taas oo qeyb ka ah howlgalka ka dhashay afgembigii laba isbuuc ka hor dhcisoobay.

Saamaynta uu gaystay isku daygan lagu eedaynayo inuu ka dambeeyay wadaadka fadhigiisu yahay Maraykan ayaa wali kasocota dalkaasi waxaana horay loo maxkamadeeyay ciidamo katirsan kuwa qalabka sida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM