Ethiopia: 48 qof oo ku dhintay Qashin-qub [Daawo]

Image

ADDIS ABAB, Ethiopia- Shil sababay khasaaro nafeed oo aad u badan ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Saraakiisha caafimaadka dalkaas ayaa xaqiijiyay geeriday ku dhawaad 50 qof kuwaas oo ku habsaday guryahooda qashin muddo dheer la kaydinayay kaasoo u ekaaday Buuraha.

“48 qof ayaa ku geeriyooday shilkaas oo ka dhashay qashin ku hoos dumay guryo ka samaysan cooshada duleedka magaalada Addis Ababa,”Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay mid kamid ah dadkii ku howlanaa bad-baadin shakhsiyaad ku jiray bur-burka qashinka.

Shilkaas waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in kabadan 15 qof oo kamid ah dadkii halkaas ku sugnaa.

Wararku waxay intaas ku darayaan inay jiraan dad kale oo ku hoos jira dhismahaas.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka magaalada oo ku aadan sida wax u dhaceen, balse waxaa baaritaano wada kooxaha gurmadka deg deg ah oo baaraya sida arrintu u dhacday.

Goobta shilku ka dhacay ayaa ah meel in kabadan 50 sano lagu aruurinayay wasakhda lagasoo qaado magaalada Addis.

Tallaabadan ayaa timid xilli magaaladaas muddooyinkii hormar ka samaynaysay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM