​Ethiopia: Shirka Dahar Baar oo fumray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa maanta magaalada Dahar Baar dalka Ethiopia ka fumray shirka madaxda Afrika ee "Tana Foruma" kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan oo qaaradda khuseeya, waxaana khudbado kala duwan ka jeedin doona hogaamiyasha ka qayb galaya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaraya xaaladda dhaqaalaha Afrika iyo qorshaaya lagu hormarin karo, waana shir sannadle ah oo madaxdu isugu timaado dalka Ethiopia iyagoo iska xog waraysta arrimaha gobolka ka jira.

Shirkan waxaa Somalia uga qayb galaya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas", waxaana la filayaa inay jeediyaan khudbado ay uga hadlayaan xaaladda dhaqaale ee Somalia.

Waxaa uu socon doonaa labo casho oo isugu jira kala warqaadasho oo soo bandhigista qorshaha hormarineed ee dhaqaalaha Afrika iyadoo lasoo gabagabayn doono maalinta barri ah.

Waxaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xaaladda nabadgalyada iyo ka hortagista falalka xagjiriinta.

Gaba-gabada ayaa laga soo saari doonaa qodobo wax ku ool ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM