​Ethoipia oo xirtay hogaamiye caan ah

Image

Laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa xiray hogaamiye mucaarad oo caan ah.

Merera Gudina oo ah hogaamiyaha Oromo Federalist Conference ayaa magaalada Brussels u aaday si uu khudbad ugu jeediyo baarlamaanka Yurub isaga oo ka warbixinaya xaaladihii u dambeeyay ee dalka oo ay ka mid tahay lixda bilood ee xaaladda dagdaga ah ee dalkaasi lagu soo rogay bishii October.

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay xirxirtay in kabadan kaw iyo toban kun oo ruux tan iyo intii uu bilawday xukunka dagdaga ah.

Bare sare Merera Gudina waxaa la xiray Arbacdii waxaana laga qabtay garoonka sidaadii uu uga soo laabtay magaalada Brussels.

Warbaahinta deegaanku waxaa kale oo ay sheegeen in la xirxiray qaar ka mid ah qaraabadiisa oo iyagana la socday.

Xukuumaddu ma aysan shaacinin sababta ay u xirtay, laakiin horay ayuu si wayn dawladda ugu dhaliilay xirxiritaanka boqolaalka ruux ee Oromada iyo Amxaarada ah, wuxuuna sheegay in xukunka dagdaga ah uusan daboolin mudaaharaadyadii dawladda lagu diidanaa ee soo socday wakhtiga sanadka ku dhaw.

Kulanka Midawga Yurub waxa uu soo jiitay xubno sarsare oo ka tirsan mucaaradka kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa la mamnuucay ee qurbo joogta ah.

Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Feyisa Lilesa oo ah oradyahankii in dhaha caalamka ku soo jeediyay mudaaharaadyadii Itoobiya ee bilaha socday.

Bare sare Merera ayaa horay xabsi ugu soo jiray todobo sano ka dib markii uu ka soo horjeedsaday xukuumaddii kali taliska ahayd ee Mengistu Haile Mariam.

Sidoo kale wuxuu ka soo qaybqaatay afgambigii boqor Xayle Silaase loo gaystay taas oo ahayd boqortooyadii ugu dambaysay ee ay Itoobiya soo marta.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM