Ethopia oo lagu eedeeyay dilka 75 ruux

Image

19 December, 2015(GO)-Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha Human Right Watch ayaa dolwadda Ethopia ku eedaysan dilka 75 ruux oo ka mid ahaa dad dibadbaxyo ka dhigay waddankaasi iyagoo ka cabanaya ballaarin lagu samaynayo caasimadda Addis Ababa.

Dadka cabanaya ayaa u badan Qowmiyadda Oromada, waxayna sheegeen hadii dhul ballaarin lasameeyo inay waayayaan Beerahooda ku dhaw caasimadda dalkaasi.

Kacdoon ka dhashay arrintaasi ayaa dowladda Ethopia u adeegsatay xoog in lagu joojiyo, waxaana naftooda waayay dibadbaxayaasha qaybtooda sida ay shaacisay hay'adda HRW.

Balse dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay arrinta Human Right Watch, waxayna dhimashada ku sheegtay shan qof oo kaliya, iyadoona shacbiga banaanbaxay ku eedaysay inay argagixiyeen bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM