EU oo adkaynaysa xuduudaha laga soo galo

Image

26 Octobar, 2015(GO)-Hoggaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa ku kulmay caasimadda dalka Belgium ee Brussels iyaga oo ka baaraandegaya inay ciidamo gaadhaya illaa 400 oo askari u diraan si ay u ilaaliyaan xuduudaha ay ka soo gelayaan dadka socotada ahi.

Sidoo kale waxaa Midawga Yurub ay ka fekerayaan inay abuuraan goobo dadka lagu baadho oo laga hirgeliyo wadamada laga soo galo ururka Midawga Yurub.

Qorshahan Qabyada ah ayaa lagu sheegay in Midawga Yurub ay qaadayaan dedaallo degdeg ah oo lagu adkaynayo ammaanka xuduuddaha Midawga Yurub. 

Sida ay tebinayso wakaaladda Wararka ee Reuters, qorshahan weli laguma heshiinin.

Arrimaha kale ee Midawga Yurub ay isla jeexjeexayaan waxaa ka mida sidii ay maraakiib dagaal ugu diri lahaayeen xeebaha dalka Giriiga.

Xigasho: VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM