Facebook oo diidey in uu masaxo Iidheh liddi ku ah Ilhaan Cumar

Image

NEW YORK, USA - Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay diiday inay masaxdo iidheh xildhibaanadda ka tirsan aqalka Koongareeska la xiriirineyso inay taageerto ururka Xamaas ee ka dagaallama Falastiin, sida ay warisay majalada Washington Post.

Sida ku xusan warbixinta wargeyska, xafiiska haweenaydan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya wuxuu ku wargeliyey Facebook "in fahfaahinta xayeysiiskaas ay tahay mid khalad ah oo naceyb abuuri karo khatarna gelin kara nolosheeda".

"Waxaan la xiriirinay shirkadda Facebook kadib markii aan aragnay in xayeysiin ay soo dhigeen halkaas guddi fadhigiisu yahay Mareykanka oo u doodo xuquuqda dadka Israa'iil," ayay Jariirada kasoo xigatay xubin ka tirsan howlwadeenadda xafiiska sharci-dejiyaha.

Qoraalka xayeysiiska lagu dhaleeceynayo Ilhaan Cumar ayaa wuxuu yahay: "Israa'iil marka ay weerarto Xamaas, xildhibaan Ilhaan waxay ku tilmaanta falal argagixiso".

Shirkadda Facebook ayaa, sida laga soo xigtay wargeyska, waxay xaqiijisay in xayeysiinta, iyaddoo ku adkeysatay "aysan kasoo horjeedin xeerarka u xorriyadda fekerka ee u yaalla". Facebook waxaa madax ka ah Mark Zuckerberg oo ah Ameerikaan balse isirkiisu uu yahay Yahuud.

kaddib 11 maalmood oo uu dagaal dhex marayay kaas oo ay ku dhinteen ilaa 250 qof kuna dhaawacmeen boqolaal kale, abbad-joojin u dhaxaysa Israa'iil iyo dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa asbuucaan dhaqan-gashay.

Howlgal nadiifin ah ayaa ka socda waddooyinka uu burburka dhismaha qariyay ee Gaza. Duulaanka Yahuuda oo kasoo bilowday masaajidka Barakeysan ee Al-Aqsa, waxay sii ballaarteen markii Xamaas ay gantaallo ku weerartay magaalooyiinka Israa'iil oo dhankeeda ka jawaabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM