Falastiiniyiinta oo soo dhaweysay codeyntii UN-ka ee Calankooda

Image

11 September, 2015(GO)-Dowladda Falanstiin iyo shacabkeeda ayaa soo dhaweyay codaynta QM ee ka mid ahaanshaha calanka Falastiin  calamada suran dibedda xarunta UN-ka.

Riya Mansur oo ah safiirka u jooga Qaramada Midoobey waxa uu sheegay in codeyntaasi ahayd mid taariikhi ah, astaanna u noqonaysa dadaalada lagu doonayo in la helo dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin.

Arintaasi waxa gaashaanka u daruurtay Israa'il oo sheegaysa inaysan waxba ka badali doonin dadka reer Falastiin iyo xukuumadooda, waxaana safiirkooda QM Ron Prosor uu tilmaamay inay hamigooda dowladnimo ku gaari karaan wada hadal ay la yeeshaan Israa'il.

Falastiiniyiinta ayaa dadaal ugu jira siday u heli lahaayeen awood dhanka QM midoobay ah si  wax looga qabto dhibaatooyinka lagu hayo shacabka iyo dhulka reer Falastiinm waxayna arinta u tahay sida ay sheegayaan guul taariikhi ah oo ay heleen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM