​Faransiiska oo bur-biriyay xero qaxooti

Image

Dowladda Faransiiska ayaa ku dhaqaaqday tallaabo ay ku doonaysay inay ku bur-buriso xero ku taalla magalada Calais oo ay ku suganyihiin in kabadan 3,500 oo tahriibayaal.

Taallaabadan, ayaa dowladdu qaaday xalay saqdhexe iyadoo dhulka dhigtay qaybo kamid ah kaamkan oo dhaca dhuunta uu maro tareenka isku xira dalalka France iyo Britain.

Qorshahaasi, waxaa kasoo horjeestay muhaajiriinta kusugan Jungle iyagoo sameeyay rabshado kaga soo horjeedaan kaamkan magaaloobay, waxayna sameeyeen dhagax tuur iyagoo fowdeeyay Boliis goobta loo soo diray.

Boliiska ayaa isticmaalay rasaasta cinjirka ah iyo sunta dadka ka ilmaysiisa, waxayna ku guulaysteen inay badi xerada dhulka dhigaan.

Maxkamadda France ayaa todobaadkii tagay diiday codsi ahayd in dib loo dhigo qorshaha dowlada ee burburinta kaamka Jungle, taasoo cabasho xooggan ka keeneen dadka magalada Calais.

GAROWEONLIN

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM