​Faransiiska oo qabtay hub loo siday Somalia

Image

Ciidamada Faransiiska ee ku sugan badweynta Hindia oo adeegsanaya mid kamid ah diyaaradahooda qumaatiga u kacay ayaa gacanta ku dhigtay dooni hub u waday dalka Somalia, taasi oo aan lahayn calaamad muujinaysa dalka laga leeyahay.

Doonidan sumad la'aanta ayaa siday hub kala duwan, waxaana la sheegay inay saarnaayeen qoryaha loo yaqaano AK47, lidka Taangiyada iyo boqolaal raasaasta qoryahay fud-fudud ah.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka dalkaas ayaa laga soo xiganayaa inay doontaasi saarnaayeen dad aan tiradooda la xaqiijin, waxaana la weydiinayaa su'aalo la xiriira halka hubkan laga keenayay iyo cidda doontaasi iska leh.

Mas'uuliyiin sar sare oo katirsan ciidanka badda dalkaasi ayaa iyaguna sheegaya in arrintani qayb ka tahay xasilinta gobolka iyo ka hortagista waxyaabaha amni xumada keeni kara, waxayna intaasi raaciyeen inay diyaar u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen hubka sharci darrada ah ee la doonayo in kooxaha argigixisada gacanta loo galiyo.

Majirto cid katirsan xukuumadda Somalia oo ka hadashay qabashada hubkaasi.

Bil ka hor ayay ahayd markii dooni sidaan oo kale hub ugu  siday dalka Somalia qabteen ciidamada ilaalada badda dalka Australia, waxaana hubkan la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo galiyo waddanka maadama la saaray xayiraad dhinaca hubka ah sannadkii 1991.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM