Faransiiska oo weeraray ururka IS

Image

27 September, 2015(GO)-War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu sheegay in la weeraray goobo ay ku sugnaayeen kooxda IS.

Xafiiska madaxweynuhu waxaa uu xusay in Faransiisku fuliyeen duqeyn ku saleysan macluumaad la soo uruuriyay muddo laba toddobaad ah oo sirdoonkoodu ku lug lahaa.

Qoraalka , waxaa lagu xaqiijiyay waxa loogu yeeray sida adag ee Faransiiska uga go'an tahay inay la dagaallamaan kooxda IS, iyagoo sheegay inay duqayn doonaan kooxda mar kasta oo ammaanka qaranku khatar galo.

Arrinta ka soo baxday dalkaasi, waxaa sidoo kale lagu sheegay in boqolaal rayid reer Suuriya ah ay waxyeelleeyeen ciidamada daacadda u ah Bashaar Al-Asad.

Xubno sar-sare oo ka tirsan IS ayaa Faransiiska ka dhigtay bartilmaameed, waxayna ku soo beegmaysaa xilli boqollaal muwaadiniin Faransiis ah la rumaysan yahay inay u dagaallamayaan kooxaha islaamiyiinta mayalka adag ee gobolka Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM