FBI oo baareysa warbixino laga faafiyey Xildhibaan Ilhaan Cumar

Image

WASHINGTON, US – Hay'ada Sirdoonka Gudaha Mareykanka ee FBI ayaa lagu waramayaa in ay baaritaan ku bilowday warar laga faafiyey Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Sare ee wadankaas.

Warbixinada laga faafiyey Ihaan ee baarista ay ku bilaabatay ayaa ah in ay guursatay walaalkeed, Axmed Nuur Saciid Cilmi.

Joornaalka Daily Mail ayaa baahiyey in Ilhaan ay talaabadaas u qaadey si ay Cilmi oo haysta dhalashada Ingiriiska ugu suurtageliso in uu galo Mareykanka.

Xafiiska Ilhaan Cumar oo si xoogan kaga falceliyey sheegashooyinkaas ayaa wuxuu ku tilmaamay "kuwa aan sal iyo baar lahayn".

Wargeyska New York Times ayaa daabacay in maxsuulka baaritaanka loo gudbin doono Hay'adda Socdaalka ee loosoo gaabiyo ICE.

Jaraa'idka ayaa wuxuu intaas ku daray in baareyaasha ay la kulmeen shaqsi la sheegay in uu hayo xogta eedeynta Ilhaan.

Caddeymo laga waayey gudaha Soomaaliya halkaasoo Ilhaan ay ku dhalatay ayaa eedeyntaas ka dhigtay "wax aan la caddeyn karin".

Hadii lagu helo fal-dambiyeedkaas, Ilhaan ayaa xabsi ku qaadan karta shan sano iyo ganaax lacageed oo 250-kun oo Doolar ah.

Ilhaan Cumar ayaa haatan ah hooyadda laba caruur ah oo uu dhalay Axmed Xirsi, seygeedii hore kaasoo ay kala tageen 2019-kii kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf ay xalin kari waayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM

Safarka JD Vance ee Switzerland oo dib u dhacay, iyadoo xiisado cusub ay hareeyeen heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Vance ayaa maalmihii la soo dhaafay si xooggan u difaacayay heshiiska ay kala…

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 07:19AM