FBI oo digniin soo saartay kahor caleemasaarka Biden

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Sirdoonka Gudaha Mareykanka ee FIB ayaa ka digtay in 50-ka gobol ee waddankaas ay ka dhacaan banaanbaxyo hubeysan inta lagu guda jiro caleema-saarka madaxweynaha la doortey Joe Biden.

Biden ayaa lagu waddaa in uu xilka la wareegto 20-ka bishaan Janaayo. Donald Trump wuxuu horey u shaaciyey in uusan kasoo xaadiri doonin.

Dhanka kale, mudaneyaasha Dimuqraadiga baarlamaank Mareykanka ayaa dardargelinaya xeer ay xilka uga qaadayaan Trump, waxaana ay u cuskanayaan dhiiragelintiisa rabshadihii asbuucii hore ka dhacay xaruntooda.

Afhayeenka golaha Nancy Pelosi ayaa sheegtay in hadii madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ku dhaqaaqi waayo xil ka xayuubinta ay talaabadaas qaadayaan isla markaana ay markii labaad jagada ka qaadi doonan Donald Trump.

Trump ayaa haatan ka xaniban dhamaan baraha bulshadda, taas oo ka dambeysay rabshadihii xarunta baarlamaanka oo sababtay geerida shan ruux.

Dadka dhintay waxaa kamid ah sarkaal ka tirsan ilaaladda xarunta baarlamaanka kaasoo dhimashadiisa awadeed hoos loogu dhigay calanka golaha.

Xildhibaano badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ugu baaqay Trump in uu is-casilo ama jagada laga qaado, waxaana taageeradaas ay dimuqraadiyiintu siineysaa fursad ay kusii dardargelin karaa damacooda eryida Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM