​Feeryahan Maxamed Cali oo Geeriyooday

Image

Waxaa goordhaweyd dalka Maraykanka gaar ahaan Arizona hospital, ku geeriyooday feeryahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay, kaasi oo ku dhintay da'da 74 sano.

Qaar kamid ah eheladiisa ayaa xaqiijisay geerida Kalaay, waxayna sheegeen inuu muddooyinkii dambe la xanuunsanayay cudurka Parkinson oo ku dhaca habdhiska xidida qofka kaasoo saameyn ku yeesha dhaqdhqaaqa qofka iyo maskaxda sida ay u shaqeyso.

Waxaa cudurkaasi uu ku dhacay sanadkii 1984-tii, afar sano kaddib markii uu ka fariistay ciyaaraha feerka.

Ninkan oo lagu naanaysi jiray "The Greatest", ayaa guulaystay ilaa 56 jeer halka laga raayay  shan jeer, isagoo ahaa Muslim diinta qaatay 1964-tii.

Kalaay oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Maraykanka ayaa dhashay, January 17, 1942, wuxuuna ku dhashay  Louisville, Kentucky.

Seddax jeer ayuu helay abaalmarinta feerka culus ee caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM