Gaari lagu dhuftay Dhismaha Baarlamaanka Ingiriiska [Fahfaahin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

LONDON — Booliska magaalada London ayaa sheegay in gaari lagu dhuftay derbiga xarunta Baarlamaanka dowladda Ingiriiska, kaasi oo ay ku dhaawacmeen dhowr qof.

Saraakiisha ayaa sheegay in darawalkii gaariga wadey ay ciidamada qabteen kadib weerarka oo dhacay saacadu markii ay ahayd abaare 7:37 a.m. waqtiga magaalada London.

Wali fahfaahin dheeraad ah lagama bixin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadan, balse, Booliska London ayaa sheegay inay dhawaan ka warbixin doonaan sida ay wax u dhaceen.

Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray, iyadoo gaadiidka gurmadka lagu arkayay banaanka xarunta Baarlamaanka, iyagoo daabulaya dhaawacyada, waxaana xaaladdu tahay mid kacsan.

London ayaa kusoo badanayay mudooyinkii dambe weerarada argagaxiso, iyadoo dhacdadan ka dhacday saaka nawaaxiga dhisamaha baarlamaanka ay noqonayso midii labaad sanadka gudahiida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM