Gaarisa: khasaaraha oo kordhey iyo dhimashada 15 qof oo la xaqiijiyey

Image
Image
Image
Image

April 2, 2015 (GO)- Wararkii ugu dambeeyey weerarka Jaamacadda Gaarisa ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda la xaqiijiyey dhimashada 15 qof oo ardey u badan.

Wargeyska Daily Nation ee Narobi kasoo baxa ayaa qorey in dhimashadu mareyso 15 qof xarumaha caafimaadkana la gaarsiiyey ku dhowaad lixdan qof oo dhaawac ah.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana weli dhismaha ku jira dableydii weerarka soo qaadey iyagoo afduub u haysta tobannaan qof.

Af-hayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas iyagu ka dambeeyeeen isagoo intaas raaciyey inay afduub u haystaan dad masiixiyiin ah intii muslimka ahaydna ay iska fasaxeen.

Dhanka kale, waxaa goobta ku sugan Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyaha Booliska Kenya iyo dhammaan mas'uuliyiinta ugu sarreysa hay'adaha ammaanka.

Rasaas goos goos ah ayaa weli dhaceysa, waxaana dhismaha ku gadaaman ciidamada militeriga Kenya iyo booliska oo is kaashanaya.

September 2013, weerar caykan oo kale ah oo Al-shabaab la beegsatey suuqii Westgate Mall ee magaalada Nairobi waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad toddobaatan qof oo rayid u badnaa.

Weerarro kale oo Al-shabaab xilligaas kaddib ka fulisey gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu degto, waxaa ku dhintey ku dhowaad boqol qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM