Gabar Soomaali ah oo Taariikh ka sameysay doorashada Sweden

Image

SWEDEN - Leyla Cali Cilmi oo ah Gabar Soomaali ah, oo haysata dhalashada Sweden ayaa taariikh sameysay markii uu ku guuleystay kursi Xilldhibaano oo Baarlamaanka Federaalka ee wadanka Sweden, doorashadii dhowaan ka qabsoontay dalkaan Yurub ku yaala.

Cilmi oo ka tirsan Xisbbiga Green Party, oo ah midka afaraad ee ugu saamaynta badan wadankaan, ayaa waxaa degaan doorashadeeda ay tahay Angered, oo ah xaafad yar oo ku taala duleedka magaaladda Gothenburg ee wadanka Sweden.

Murashixiin dhowr ah oo ka shacbiyad badnaa ayey Leyla kaga guuleystay doorashadda, xili kadib guusheeda oo ay la hadashay warbaahinta ay muujisay dareen farxadeed waxayna umahad-celisay dhamaan cid walba oo codkeeda ugu deeqday.

- Taariikhda Leyla -

Leyla waxay ku dhalatay Soomaaliya, balse waxay qaxooti ahaan ku gashay wadanka Sweden iyadda oo ay wehliyaan qoyskeeda horaanta sanadkii 1990-dii, waqtigaasoo dalka ka qarxay dagaalkii sokeeye.

Tan iyo sanadkii 2014-kii, Leyla waxay ahayd xubin ka tirsan Gollaha degaanka ee xaafadda Angered oo ka tirsan degmadda Gothenburg.

Waxay noqoneysaa Leyla shaqsigii ugu horeeyay ee Soomaali ah, Bariga Afrika ka yimid, hadana Qaxooti ah, ee xubin ka noqdo Baarlamaanka Federaalka ee dalka Sweden, kaasoo loo yaqaano Riksdag.

Xaafadda Angered waxaa ku nool 14-kun oo Soomaali ah, waana jaaliyadda ugu badan Bariga Afrika kasoo jeeda ee ku nool Sweden, taasoo la rumeysan yahay inay Leyla ka caawisay guusha ay heshay.

Guusha Leyla waxay uga dhigan Xisbigeeda inay ku yeelanayaan Baarlamaanka 25 Kursi, xili guud ahaan xubnaha sharci dejinta ee wadanka Sweden tiradoodu tahay 349 Xilldhibaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM