Gabdho laga badbaadiyay Boko Haram

Image

Militariga dalka Nigeria ayaa sheegaya inay badbaadiyeen in kabadan 200 oo gabdho yaryar ah iyo 93 haween, kuwaas oo lagu haystay Waqooyiga bari ee dalkaasi.

Dadkan la haystay ayaa waxaa laga helay keynta Sambisa oo la sheegayo inay tahay meesha ay ku dhuuntaan kooxda Boko Haram.

Balse militariga ayaa sheegaya inaysan xaqiijin karin in gabdhihii ka badnaa 200 ee laga afduubtay Chibok sanadkii hore inay ka mid yihiin kuwa hadda la badbaadiyay.

Militariga ayaa tilmaamay in la baarayo gabdhaha iyo haween ka kale ee la badbaadiyay.

Balse militariga waxa ay ogaanayaan aqoonsiyadooda. Waxayna si cad u sheegayaan in kuwaan aysan ahayn ka dhihii iskuuleyda ahaa ee laga qafaashay Chibok.

Taxaddarka hadda ka muuqdo wararka ay militariga Nigeria soo saarayaan waxa uu yahay in laga fogaado qaladaad horey u dhacay.

Bishii October ee sanadkii hore, dowladda ayaa ogolaatay in heshiis xabad joojin ah ay la gashokooxda si gabdhahii Chibok loo sii daayo, laakiin Boko Haram ayaa arrintaasi diiday.

Afhayeenka ciidamada Nigeria, Colonel Sani Usman Kuka-sheka, ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna tilmaamay in seddax xero oo kooxdu ku lahayd keynta ay burburiyeen.

Dhowrkii bile e la soo dhaafay, ciidamada dalka Nigeria waxa ay dib u qabsadeen deegaanadii ay Boko Haram ka talisay.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM