Gabdho Somali ah oo lagu xukumay Maraykanka

Image

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi ah ku riday Labo Gabdhood oo Somali ah, kadib markii lagu helay inay lacag usoo direen Kooxda Al shabaab.

Labadan Gabdhood oo lagu kala magacaabo Muno Cismaan Jaamac, oo 36 Jir ah iyoHinda Cismaan Dhiirane, oo 46 Jir ah ayaa lagu kala xukumay xabsi u dhaxeeya 11 ilaa 12 sano.

Muno oo degan magaalada Reston, ee gobolka Virginia ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, halka Hinda oo degan Washington lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.

Sida ay sheegeen Qareenada Maxkamada, Labadan hablood ayaa dhaqaalo uga aruuriyay Al shabaab, Barta Internet-ka iyagoo adeegsanayo “Group of Fifteen”  oo isagu keeneen Dumar kala joogo Somalia, Kenya, Egypt, Netherlands, Sweden, UK,  Canada Minneapolis  iyo Minnesota.

Maxkamada ayaa sheegtay in Muno Cismaan Jaamac iyo iyo Hinda Cismaan Dhiirane ay u abuureen Ololaha Lacagta loogu aruuriyay Al shabaab-ta ka howl gasha Buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Labada Gabdhood ayaa sidoo kale lacag kumanaan kun oo doolar ah u direy xarakada kooxdaas ee ku sugan  Kenya.

Hinda iyo Muno ayaa qirtay dembiyada lagu soo eedaayay, ee ah inay dhaqaalo ku taageereen Al shabaab.

GAROWEONLINE

.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM