​Galaxy Note 7 oo laga digay in lagu dhex isticmaalo diyaaradaha

Image

Hay'adaha qaabilsan Duulimaadka ee dalka Maraykan ayaa walaac ka muujinaya Mobile-ka ugu dambeeyay ee ay soo saarto shirkadda Samsung, kaasoo lagu magacaabo Note 7.

Waxaa dadka iibsaday lagu wargaliyay inaysan ku dhex isticmaalin diyaaraha dhexdooda islamarkaana aysan ku dhex dabayn, kadib markii lagu arkay cillad aysan lahay naqshadihii kan ka horeeyay.

Galaxy Note 7, ayaa la sheegay inuu qarxayo xilliga damka la galiyo, waxayna taasi keentay  in shirkadda Samsung dib u soo celiso 2.5 milyan oo taleefan oo noocoodu yahay Galaxy Note 7 oo la iibiyay ama loo kala diray adduunka oo dhan si dib loogu fiiriyo wixii cilad ah ee ku jirta.

Shirkadda Samsung ayaa hakisay iibinta taleefankaas todobaadkii hore, kaddib markii la ogaaday in qaar ka mid ah taleefankooda u dambeeyay uu dab ka kacayo ama qarxayo marka la damco in la dabeeyo.

Khamiistiina Shirkadaha diyaaradaha ee Australian airlines ayaa macaamiishooda ugu baaqay in aysan diyaaradda ku isticmaalin taleefanadooda.

Mobilekan ayaa noqday mid dadweynuhu aad u xiisaan islamarkaana si wanaagsan loogu iibsado suuqyada caalamka, waxaase iminka la baarayaa cillada keenaysa inuu qarxo.

Balse, kooxda qaabilsan Duulimaadka caalamiga ah ee dalka Maraykanka ayaa ku warantahay inay cilladu tahay Battariga oo la'aantiis uusan shaqayn taleefoonku.

Arrintan ayaa dadka saadaaliya ganacsiga sheegeen inuu hoos u dhigi karo isku hallaynta iyo sumcadda Shirkadda Samsung.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM