Ganacsato taageeraysa Midowga Yurub

Image

Maalin ka hor, inta aan la qaban aftida in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub iyo inay ka mid noqoto, ayaa in ka badan hogaamiyayaasha kun ganacsato ayaa ka digay in hadii laga baxo Midowga Yurub ay u imaanayso hubaal la'aan shaqooyinga iyo ganacsiga.

Warqad furan oo ay ku qoreen wargayska Times, ayaa agaasimayaasha shirkadaha oo shaqaaleeya in ka badan laba milyan oo qof ayaa sheegay in hadii Midowga Yurub laga mid ahaado ay jirto fursado badan oo maalgashi iyo koror dhaqaale.

Dadka u ololaynaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa sheegay in ganacsatada ay kala qaybsan tahay. Fikradaha dadka laga soo aruuriyay, ayaa sheegaya in natiijada la filayo ee codaynta Khamiista bari ah ay aad isugu dhawdahay.

BBC

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM