Ganacsato taageeraysa Midowga Yurub

Image

Maalin ka hor, inta aan la qaban aftida in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub iyo inay ka mid noqoto, ayaa in ka badan hogaamiyayaasha kun ganacsato ayaa ka digay in hadii laga baxo Midowga Yurub ay u imaanayso hubaal la'aan shaqooyinga iyo ganacsiga.

Warqad furan oo ay ku qoreen wargayska Times, ayaa agaasimayaasha shirkadaha oo shaqaaleeya in ka badan laba milyan oo qof ayaa sheegay in hadii Midowga Yurub laga mid ahaado ay jirto fursado badan oo maalgashi iyo koror dhaqaale.

Dadka u ololaynaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa sheegay in ganacsatada ay kala qaybsan tahay. Fikradaha dadka laga soo aruuriyay, ayaa sheegaya in natiijada la filayo ee codaynta Khamiista bari ah ay aad isugu dhawdahay.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM