​Ganacsiga Islii oo maalintii labaad xiran

Image

NAIROBI, Kenya- Ganacsiga Islii ee dalka Kenya ayaa xiran maalintii labaad kadib markii cabasho laga muujiyay dad warato ah iyo kuwo kale oo caqab ku noqday gancsiga kuwaasoo muddooyinkii dambe kusoo badanayay xaafaddaasi.

Shir jaraa'id oo ay shalay qabteen ganacstada Somalida waxay ku sheegeen inay shaqada joojin doonaan muddo saddex casho iyagoo dowladda ka dalbaday inay wax ka qabato xaaladda taagan.

Muwaadiniinta ayaa ku dhaliilay dowladda Kenya inaysan waxba ka qaban baahidooda iyagoo bixinaya canshuurta ku waajibtay.

Waxay sidoo kale dhaliileen nafaadda xaafadda oo ay sheegeen inay aad u liidato.

Suuqa xiran ayaa ah goobaha ugu mashquulka badan caasumadda Nairobi, waxaana maanta la dareemay xirnaansha ay sameeyay dadka gancsiyada kuleh.

Waxaa socda waan waan u dhaxeeyay shacabka gadooday iyo Xildhibaanada lagasoo doorto xaafadaasi kuwaasoo raadinaya xal kabadalan midka lagu xiray suuqa.

Qaar kamid ah dadka ku ganacsada suuqa ayaa sheegay in waxyaabihii ay ku gadi jireen carwooyinkooda lagu hayo bannaanka taasina ku noqotay caqabad, waxayna dalbadeen in boosas gooni ah loo sameeyo dadkaasi.

Bulshada ku xiran dukaamada ku yaalla xaafadda ayaa tilmaamay inay dareemeen xirnaansha, waxayna dalbadeen in deg deg loo xalliyo waxa jira.

Sannadkii 2012 ayay ahayd markii Somali badan la xir-xiray taasoo keentay in lacago badan suuqaasi ka baxaan maadama cabsi laga muujiyay xaaladda nagaansho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM