​Garoonka diyaaradaha Ataturk oo dib loo furay

Image

Wararka aan ka helayno dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul ayaa sheegaya in dib loo furay abaaro 02:20am xilliga dalkaas garoonka diyaaradaha Ataturk oo fiidnimadii Talaadada qaraxyo lagu weeraray.

Ra'isal wasaaraha dalka Turkiga ayaa sheegay in dib loo bilaabay duulimaadyada garoonka isagoo xusay inay amniga la adkeeyay xaaladuna caadi kusoo noqotay.

“Garoonkeena waxaa dib loogu furay duulimaadyda baxaya iyo kuwa imanaya saacadu markay ahayd 2:20 AM xilliga Istanbul,” Waxaa sidaas yiri Ra’iisal wasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Dhinaca kale shirkadda duulimaadyada ee Turkish Airline, ayaa caddaysay inay bilowday duulimaadyadeedii daafaha caalamka ee ka bixi jiray magaalada Istanbul, balse dalalka Maraykanka iyo Iran ayaa hakad galiyay duulimaadyadii aadi jiray dalka Turkiga.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weeraradii xalay lala beegsaday garoonka diyaaradaha Ataturk, gaar ahaan meesha dadka baxaya yimaadaan oo ay baabuurta ku dejiyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM