Geeri ka dhalatay weerar lagu qaadey xarunta Congress-ka

Image
Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, US – Ugu yaraan hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyootay kadib markii toogasho iyo fowdo ay ka dhacdey gudaha xarunta ay ku shiraan mudaneyaasha baarlamaanka Mareykanka ee ku taalo bariga Washington.

Taageereyaasha madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump oo isu-soo-bax ka dhigay dibada ayaa gudaha ugu daatay dhismaha Congress-ka xilli ay lahaayeen shir ay ku kala caddeynayeen guusha madaxweynaha la doortey ee Joe Biden.

Mudaaharadayaasha ayaa muuqaalo laga soo duubay waxaa lagu arkay saqafyadda dhismaha Senate-ka. Sawirada waxay muujinayaan booliska oo isku dayaya in ay dib u hantaan gacan-ku-haynta dhismaha oo ay ku guuleysteen.

Jahwareerkan ayaa ka dambeeyay markii Trump uu dhiirageliyey fowdada isla markaana uu ku sifeeyay banaanbaxayaasha "waddaniyiin aad u balaaran".

Biden oo si adag u cambaareeyay falkan ayaa ku eedeeyay Trump in uu u sacabo-tumayo xasilooni darro iyo ficilo khalkhal gelinaya amniga qaranka Mareykanka.

Dhanka kale, Aqalka Cad oo ah dhismaha looga arimiyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey in ay la shaqo-geliyey Ciidamadda Ilaaladda Qaranka si ay kala dambeynta u soo celiyaan. Ma xusin hadii la xiri doono banaanbaxayaasha.

Doorashooyinkii November ka qabsoomay Mareykanka ayaa dhaliyey kala qeybsanaan aad u baaxad weyn, waxaana dhinacyadda kala taageersan Trump iyo Biden ay isku qaadeen cadaawad qaboojinteedu ay waqti badan qaadan doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM