Go'aanka uu Joe Biden "ka qaadanayo" aqoonsigii Trump ee Quddus

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Hadii loo doorto madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden waxba kama bedeli doono go'aanadii Donald Trump ee u jaran-jeeray Israa'iil, sidda uu saadaaliyey mas'uul hore oo Sacuudiyaan ah.

Amiir Turki Al-Faisal, oo soo noqdey Madaxa Hay'adda Mukhaabaraadka Sacuudiga, ayaa si gaar ah wuxuu carabka ugu dhuftay talaabadii uu Trump ugu aqoonsaday magaaladda Qudus in ay tahay caasimada Yahuuda.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Al-Faisal ayaa si lamid ah wuxuu tusaale kale u soo qaatay gobolka buuralyda ah Golan Heights oo Trump uu u saxiixay Israel.

"Waxaan u maleynayaa in Mr Biden hadii uu noqdo madaxweyne uusan isbedel ku sameyn doonin wadadii uu jeexay Mr Trump – ha noqoto Quddus, gobolka Golan Heights ama wax loogu yeeray heshiiskii qarniga," ayuu yiri.

Hadalkaan ayuu Al-Faisal oo sidoo kale soo noqdey safiirka Sacuudiga ee Mareykanka uu ka sheegay madal uu kaga qeybgalay Abu Dhabi.

"Walaaca aan qabo waxay tahay in qaar kamid ah wadamada Carabta si gaar ah walaalaheyn Falastiiyiinta ay u moodayaan in madaxtinimada Biden ay ka duwanaan doonto Mr Trump. Waxaan u maleynayaan in ay si dhab ah u niyad-jabi doonan," ayuu ku daray.

Sanadkii hore ayay ahayd markii Trump uu Golan Heights ku wareejiyay Yahuuda oo dhulkaas kaga qabsatay Suuriya dagaalkii ay la galeen Carabta 1967 isla markaana ay si rasmi ah u degaameysatay 1981.

Bishii December 6-deeda, 2017-kii, Trump ayaa sidoo kale wuxuu Quddus u ictiraafay caasimada Yahuuda, talaabo ay dunida Islaamka cambaareysay.

Sanadkan 2020, Trump ayaa wadamada Imaaraadka, Baxreyn iyo Suudaan wuxuu ka saxiixay wax loogu yeeray "Heshiiska Qarniga" kaasoo ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda Israa'iil, talaabo Falastiiyiinta dhaleeceeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM

Ruushka oo gudaha Ukraine ka bilaabay weeraro rogaal celis ah

Dagaalka oo sii xoogeystay tan iyo Jimcihii, ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran iyo barakac baahsan oo rayidka ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 05:47PM