Golaha Ammaanka oo Cambaareeyey Weerarkii Yemen

Image

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay dalka Yemen maalinimadii Arbacada halkaas oo lagu dilay illaa 31 qof isla markaana lagu dhaawacay 20 kale, saacado uun ka hor intii aanay bilaabmin bisha Ramadaan ee baraykasani.

Saddex masaajid oo ku yaalla magaalada Sanca ayaa ka mid ahaa bartilmaameedyo afar ahaa oo la weeraray.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in ficil kasta oo argagixiso inuu yahay dembi aan lahay wax marmasiinyo ah, wixii doonaaba ha sababeene.

Waxaa Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay ku baaqay in cadaaladda la horkeeno cid kasta oo abaabushay ama maalgelisay weeraradaas.

Ururka Daacish ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas oo lagu fuliyey afar gaadhi oo laga buuxiyey walxaha qarxa. Waxayna ku sababeeyeen inay uga aargudanayaan kooxaha mucaaradka Shiicada ah.

XIGASHO:VOA

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM