Golaha Ammaanka oo ka shiraya xadgudubka Israel ee Falastiin

Image

ANKARA, Turkey - Yahuuda ayaa wali duqeynaysa dhulka la haysto ee Falastiin. Fahfaahinadu waxay xusayaan in weeraradan ay ka dhasheen geerida 21 ay caruur ku jiraan. Dhaawacyadda waa boqolaal qaarkood isbitaal loo dhigay in xaaladoodda ay liidato.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu shir degdeg ah ka yeelanayaan "gabood-falada" Israa'iil u geysaneyso Falastiiniyiinta.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay markii booliska Israel ay asbuucaan weerareen Masjidka Al Aqsa. Dowladdo dhowr ah waxay falkaas ku qeexeen "xadgudub bini'aadanimo".

Ciidamadda Yahuuda ayaa aroornimadii Isniinta maanta ah waxay ku jarmaadeen Masjidka Al Aqsa. Rasaasta canjirka ah, sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bamba-qiica ayay ku beegsadeen dadkii ku cibaadeysanayey Masjidka.

215 Falastiiniyiin ah oo 153 kamid ah isbitaal la dhigay iyo lix wariye ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Qaar kamid ah dowladaha caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay duulaanka soo cusboonaadey ee booliska Israel ku hayaan Masjidka Al-Aqsa ee dhulka la haysto ee Falastiin.

Nin Falastiini ah ayaa taallada masjidka Dome of the Rock ka sameeyay rasaas caag ah iyo bambooyin qiica ee booliska Israa’iil ay maanta u adeegsadeen banaanbaxayaasha Falastiiyiinta.

"Waxaan tan u sameeyay si aan adduunka u tuso xaddiga hubka loo adeegsado dadka aan hubeysnayn," ayuu Muhammad Abii Cali oo 39-jir ah u sheegay Al Jazeera English.

Isaga oo isticmaalaya isla cadad badan oo xabadda canjirka ka sameysan ah, dusha sarre ee farshaxanka ayuu kaga qoray erayo Af Carabi ah oo macnahooda uu noqonayo "ma dhaafi doontiin".

Masjidka Al Aqsa ayaa dib loo furay kadib markii ay ka hayaameen ciidamaddii Yahuuda. Imaamka Masjidka wuxuu sheegay in madaxda Israa'iil ay amreen weerarka "gardada ah" si ay ugu raaligeliyaan shacabkooda ay xooga ku dejinayaan dhulka la haysto ee Falastiin.

Sagaal qof ayaa ku dhimatay duqeymo ay Yahuuda uga jawaabeen gantaalo ay Xamaas ku duqeysay magaalada Jerusalem - kadib markii isku-dhacyo ka dhacay magaaladdan barakeysan ay ku dhaawacmeen boqolaal Falastiiniyiin ah.

Turkiga ayaa Israa’iil ku sifeeyay "dowlad midab-takoor", isagoo intaa ku daray in rabshadaha ka socda Qudus ay yihiin "weerar lagu qaaday dhammaan Muslimiinta".

Ankara oo wacad ku martey in u dunida ku goobaabin doonto joojinta "argagaxlinta iyo qabsashada Yahuuda" waxay ku goodisay in Yahuuda ay ka qoomameyn doonto "duulaanka gardarada ah ee ay ku beegsatay shacabka Falastiin kuna gashay Masjidka Al Aqsa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM