​Golaha Ammaanka QM oo ka hadlay Doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay doorashadii Somalia ka dhacday 3 maalmood ka hor iyagoo bogaadiyay guusha uu gaaray Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

15 xubnood ee golahaas ku jira ayaa shir ay isugu yimaadeen Shalay, waxay uga hadleen arrimo ay ku jirto xaaladda Somalia gaar ahaan sida ay u arkaan doorashadii dhacday 08 February 2017.

Golaha oo ammaanay hormarka ay Somalia ka gaartay dhinaca siyaasadda ayaa ku baaqday in hogaamiyaha cusub wax ka qabto abaaraha iyo amni darrada dalka ka jira iyagoo isku raacay in arrintaas lagu gaari karo hufnaan iyo wada-shaqayn.

Madaxweynaha cusub ayay ka codsadeen inuu dhakhso usoo magacaabo Ra'isal wasaaraha islamarkaana la dhiso xukuumad deg deg wax uga qabata dhibaatada dalka jirta.

Xasan Sheekh ayay ku ammaaneen kaalinta uu ku lahaa is-badalka ka dhacay Somalia iyaguu ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee xilka u wareejiyay iyadoo wali lagu suganyahay goobta doorashada.

Abaarta Somalia ayaa shirkaas aad loogu faaqiday, waxaana QM xustay in 40% dadka ku nool dalkaas macaluul lasoo daristay islamarkaana u baahanyihiin gurmad deg deg ah.

Soo dhaweynta QM ayaa kusoo aaday xilli Hambalyo cusub loo diray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wixii ka dambeeyay 08 bishan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM