Golaha ammanka Qaramada Midoobay oo ansixisay in la weeraro Daacish

Image

21 November, 2015(GO)-Qaraar uu soo gudbiyay dalka Faransiiska ayaa waxaa qalinka ku duugay gola ammaanka ee jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxuuna uu ogolaanayaa in la weeraro ururka Daacish oo weeraro ismiidaamin ah ka gaystay todobaadkii la soo dhaafay dalka Faransiiska.

Weerarada Kooxdan ayaa cabsi ku abuurtay waddamada waaweyn ee qaaradda Yurub, waxaana qaraarkani noqonayaa mid lagu doonayo in dunida looga sifeeyo ururka la magac baxay dowladda Islamiga ee Dacish oo fadhiyo waaweyn ku leh waddamada Ciraq iyo Suuriya.

Dalka Rushka oo garab millatari siiya dowladda Suuriya iyo Faransiiska ayaa iska kaashanaya duqayn dhanka cirka oo lala beegsado ururkaasi.

Lama garanayo in qaraarkan wax ka badali doono falalka ismiidaminta iyo dilaalka isugu jira ee kooxdan ka gaysanayso qaaradda Yurub, balse ururkan ayaa si xowli ah ugu sii fidaya caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM