Golaha Iskaashiga Khaliijka oo cambaareeyay hadallada Soomaaliya ee ka dhanka ah Imaaraadka
MUQDISHO, Soomaaliya — Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Jaasim Maxamed Al-Budaiwi, ayaa si adag u cambaareeyay hadallada mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo waxa uu ku tilmaamay olole warbaahineed oo ka dhan ah Dowladda Imaaraadka Carabta, xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi.
Bayaan uu Golaha Iskaashiga Khaliijku soo saaray 19-kii November, ayaa lagu sheegay in Al-Budaiwi uu diiddan yahay hadallo uu ku tilmaamay kuwo aan mas’uuliyad lahayn iyo olole warbaahineed oo lagu beegsanayo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo uu sheegay inay faafinayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Al-Budaiwi ayaa sheegay in Imaaraadku door muhiim ah ka qaato xoojinta amniga iyo xasilloonida, iyo dhiirrigelinta wada-hadallada u dhexeeya dalalka. Waxa uu tusaale u soo qaatay martigelinta Abu Dhabi ee wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada Ruushka iyo Ukraine, isaga oo ku tilmaamay arrin muujinaysa doorka Imaaraadka ee dadaallada nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Waxa uu intaas ku daray in eedeymaha loo jeedinayo Imaaraadku ay wiiqayaan dadaallada dalkaasi ku doonayo xoojinta wada-hadalka iyo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami. Waxa kale oo uu sheegay in dalalka xubnaha ka ah GCC ay si wadajir ah uga soo horjeedaan olole kasta oo warbaahineed oo lagu beegsanayo mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah, isla markaana arrimahaasi aanay saamayn doonin dadaalladooda ku aaddan taageeridda nabadda iyo xasilloonida.
Bayaan GCC ayaa soo baxay iyadoo dowladda Soomaaliya ay maalmihii ugu dambeeyay sii adkaysay mowqifkeeda ku aaddan Imaaraadka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu jeediyay ku eedeeyay Abu Dhabi inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, taageerto maamullada gobollada, isla markaana heshiisyo dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo la gasho maamulladaas iyada oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka. Imaaraadka ayaa hore u diiday eedeymahaas.
Xiisadda ayaa sii xoogaysatay Khamiistii, kaddib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya uu go'aamiyay in safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho uu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, halka safiirka Soomaaliya ee Abu Dhabi dib loogu yeeray wadatashi.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay jawaab u yihiin waxa ay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay go'aannada dowladda Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay tallaabooyin sii hurinaya xiisadda isla markaana dhaawacaya xiriirka labada dal.
Abu Dhabi ayaa sheegtay in safaaraddeedii Muqdisho la xiray, diblomaasiyiinteediina dalka lagala baxay bishii Janaayo 2026, kaddib tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo cadowtinimo ah oo ay qaaday dowladda Soomaaliya.
Khilaafkan ayaa salka ku haya muran muddo soo jiitamayay oo la xiriira heshiisyada dekedaha, iskaashiga amniga iyo xiriirka Imaaraadku la leeyahay maamullada kala duwan ee Soomaaliya.
Muqdisho ayaa ku adkeysanaysa in xiriir kasta oo dibadeed oo la xiriira dalka lagu maamulo hay'adaha federaalka, halka Imaaraadku difaacayo iskaashigiisa dhaqaale iyo amni ee uu la leeyahay dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya.
GAROWE ONLINE