Guatemala: Afar maxbuus oo xabsi lagu dhex-gowracay

Image

GUETEMALA CITY, Guatemala - Taliska ciidamadda booliska waddanka Guatemala ayaa shaaca ka dhigay in ugu yaraan afar maxbuus madaxa laga jaray intii uu socday dagaal u dhaxeeyay burcad iska soo horjeedday.

Dagaalka u dhexeeya maxaabiista ka tirsan Mara Salvatrucha iyo Barrio 18 - oo ay wehliyaan burcad kale oo lala xiriirinayo ka ganacsiga daroogada - ayaa ka dhacay xabsiga Cantel, oo ku yaal Quetzaltenango.

Xabsiga ayaa 200 KM una dhiganta 125 mayl u jira magaalada caasimada ah ee Guatemala City, waxaa ku xiran in ka badan 2,000 oo maxbuus kuwaasoo loo haysto dambiyo kala duwan.

Ilaa shan boqol [500] oo saraakiil booliis ah ayaa waxaa la geeyay si ay ula wareegaan xabsiga, afhayeenka booliska qaranka Jorge Aguilar ayuu yiri kadib shaqaaqadii lasoo waryey

"Xilligan la joogo waxaan ognahay afar qof maxbuus oo dhimatay ... Macluumaadka hordhaca ah ee aan hayno ayaa ah in madaxa laga jaray ama la gowracay," ayuu afhayeenka hadalkiisa intaas kusii daray.

Booliska ayaa, sida afhayeenka ka dhawaajiyey, tuhunsan in rabshada ay ka dhalatay xubin ka mid ah burcadda weerartay nin ka soo horjeeday sababo ku aadan aargudasho dhacdo dhowaan dhacday.

Ku dhowaad kalabar dhimashada qiyaastii 3,500 dhacdooyinka rabshadaha wata sanadkii Guatemala waxaa fuliya burcad, sidda ay ka dhawaajiyeen saraakiisha ammaanka, kuwaasoo muujiyey rajo xumo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM