Guddiga doorashada Kenya oo faah-faahshay tirinta codadka

Image

NAIROBI, Kenya- Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay marayso tirirnta codadkii la dhiibtay iyo sababta ay u baaqatay codayn ka dhici lahayd qaar kamid ah gobollada dhaca Galbeedka dalka Kenya.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Guddigaas, Wafula Chebukati, waxaa xaruntooda dhexe soo gaartay natiijada 260 degmo codayntii laga sameeyay. Dadka Kenya ayaa ka codeeyay 290 degmo taas oo ka dhigan sida guddoomiyuhu sheegay in 37,161 goob codbixineed oo ka mid ah 40,000 natiijadooda ay gacanta ku hayaan.

Wariyaasha ayaa weydiiyay mudane Wafula sababta uu ku cadayn karo in natiijada 40% ee guddigu shaaciyay inuu hayo, "Marka la eego dadka lagu xajiijiyey qalabka elektarooniga ah ee codka lagu dhiibanayey iyo tirada guud ee diiwaan gashan waxaa noo caddaatay in codbixiyeyaasha diiwaan gashan boqolkiiba 48 ka mid ahi ay codkooda dhiibteen".

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa ka hadlay baaqashada codayn la filyay in maanta oo sabti ah ay ka dhacdo 4 kamid ah gobollada Galbeedka ku yaalla, wuxuuna sheegay in shaqaalihii ka howl gali lahaa goobaha codaynta aysan gaarin waqtigii loogu talo galay.

Amniga ayuu sidoo kale sabab uga dhigay inay dib u dhaca keentay, isagoo si cad u shaaciyay inaysan halis galin karin nolosha shaqaalahooda.

"Guddi ahaan wax kastaa waa naga diyaar laakiin waxa jira arimo dhinaca nabad gelyada ah oo ay tahay inaanu tix gelin siino, marnaba halis ma gelin karno nolosha shaqaalahayaga," Sidaas waxaa yiri Wafula oo saxaafadda kula hadlayay xarunta dhexe ee guddiga doorashooyinka Kenya.

Wuxuu intaas raacshay inay isugu laaban doonaan kulan dambe oo ay uga arrinsanayaan sidii laga yeeli lahaa doorashada harsan.

Dalka Kenya ayaa galay doorasho ku celis ah, waxaana hareeyay rabshado, taasoo keentay in dib loo dhigo gobollada qaybtood doorashadii ka dhici lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM