Guddoomiyaha Midowga Africa oo la doortay

Image

Waxaa goordhaweyd lasoo afmeeray doorashada Guddoomiyaha Midowga Africa oo ay ku loolamayeen murashaxiin kala duwan oo ay ku jirto Amina Maxamed oo asal ahaan Somali ah, balse iminka ah wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Chad Moussa Faki ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Midowga Afrika.

Ninkan ayaa badali  doonaan Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koonfur Afrika oo wakhtigeedu dhamaaday.

Mr Faki waxaa wareegii ugu dambeeyay kula tartamay wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya Aamina Maxamed. Wuxuu helay 38 cod.

Faki ayaa horay ra'iisal wasaare uga soo noqday dalka Chad.

Waxaa guddoomiye ku xigeen loo doortay Thomas Kwesi, oo u dhashay dalka Ghana.

Aminada loollanka looga guulaystay ayaa hambalyo  u dirtay Guddoomiyaha cusub waxayna u rajaysan inuu xilkaas si wanaagsan uga soo baxo.

Waxa isha lagu hayn doonaan waxyaabaha uu kaga duwanaado Guddoomiyihii ka horeeyay oo ahayd haweenay.

Madaxda Africa ayaa laftigooda soo dhaweyay doorashada mas'uulka cusub.

Madaxda Midowga Afrika oo ku shirsan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxyaabaha ay labada maalmood ee soo socoto ka wada hadli doonaan waxaa ka mid ah dalabka Morocco ay ku dooneyso inay dib ugu biirto Midwoga Africa oo ay ka baxday 32 sano ka hor.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somalia Xasan Sheekh ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa isagoo u tagay shirka Madaxda Africa, waxaana la filayaa inuu halkaas khudbad ka jeediyo isagoo warbixin doona xaaladda dalka iyo doorashooyinka socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM