Guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo la weeraray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Dablay hubaysan ayaa weeraray guriga Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Willaim Runto, iyagoo dilay mid ka mid ka mid ah ilaaladiisa.

Weerarka dhacay saaka wax yar kadib markii Willaim Runto iyo qoyskiisa ka baxeen Aqalkan oo uu ku leeyahay magaalada Uasin Gishu oo ku taal galbeedka dalkaasi.

Ragga weerarka soo qaadey oo gaaraya saddex ayaa iska dhigay Ganacsato kuwa wax wareejiyo, kana codsaday Ilaalada inay u gudbiyaan Guriga si dhar uga soo iibiyaan qoyska Willaim Runto.

Balse markii laga diiday ayaa waxay lasoo baxeen hubkooda, iyagoo dhawacay hal Askari oo ilada ku celiyay, oo Madaxa iyi lugta ka dhaawacay, kadibna ka qaatey qorigiisa.

Waxay markii kadib awood u yeesheen inay u gudbaan gudaha dhisamaha, halkaasi oo ay ku dileen Askari kale, kahor inta aysan soo gaarin goobta ciidamo iyo shacab gurmad ah.

Sawirro laga soo qaadey Guriga Willaim Runto  iyo dibadiisa ayaa muujinaya Ciidamo Booliis ah ayaa isku gadaamay dhisamaha, iyadoo ay kusoo baxeen dadweyne Ulo iyoo Mindiyo ku hubaysan oo kusoo qulqulaya.

Willaim Runto ayaa ku maqnaa Isku soo bax Ololaha Doorashada oo lagu qabanayay degmada Kitale, xilli lasoo weerarka lagu soo qaadayay Gurigiisa, sida ay Saraakiisha amaanka sheegeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarka, kaasi oo dhacay maalin kadib markii shalay ay Kooxda Al shabaab weerar gaadmo ah ku qaadey Kolonyo Gaadiid ah, oo katirsan Kooxda Ololaha mid kamid ah Murashaxiinta doorashada xilli ay marayeen deegaan ku dhaw Mandheera.

Kenya ayaa ku jirta diyaar-garowii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxtinimo, oo la filayo inay dhacdo bisha August 8, 2017, iyadoo Al shabaab ay weeraro ka fulinayso qeybo kamid ah gobolka Waqooyi bari, gaar ahaan degmooyin ku teedsan Xuduuda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM