UN: Myanmar waxaa ka socda Isir Sifeyn

Image

Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay barakacinta lagu hayo bulshada Rohingya ee dalka Myanmar mid isir sifeyn ah.

Isaga oo Arbacadii wariyaasha kula hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayuu Guterres sheegay in sadex marki loo qeybiyo bulshada Rohinga qeyb ay ka carartay dhulki ay daganaayeen.

Wuxuu intaasi raaciyay in erayga kaliyah ee lagu qeexi karo waxa halkaasi ka socdaa uu yahay isir sifeyn.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Myanmar inay joojiso howlgalada miltari ee ay ka waddo gobolka Rakhine ee ay ku badanyihiin muslimiinta Rohingya.

Wuxuu kale oo uu ka dalbaday dowlada in ay gobolka kusoo celiso sharciga iyo kala danbeynta isla markaana ay u ogolaato dadka la barakiciyay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu saacaha soo aadan go,aan kasoo saaro arrinta Myanmar.

GO + VOA

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM