Guusha Joe Biden iyo Kamala Harris oo la xaqiijiyey

Image

WASHINGTON, US – Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyey guusha musharaxiinta dimuqraadiga Joe Biden iyo Kamala Harris kuwaas oo loo kala doortey madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waddankaas.

Ansixinta ayaa timid maalin kadib markii jahwareer uu hareeyay dhismaha Koongareeska taasoo ka dambeysay markii ay gudaha ugu daateen taageereyaasha madaxweyne Donald Trump.

Xaqiijintan ayaa soo gabagabeyneysa geedi-u-socodka doorashooyinka 2020 ee Mareykanka waxaana ay ayideysa in Biden iyo Harris ay xilka la wareegaan 20-ka bishaan Janaayo ee sanadka cusub 2021-ka.

Si lamid ah, waxay soo afjareysaa dedaalo uu wadday Trump kuwaasoo uu ku doonayey in uu kaga hortago go’aanka Golaha Sharci-dejinta.

Trump ayaa go’aanka labada aqal ee baarlamaanka Mareykanka wuxuu shaaciyey in xilka uu ku warejin doono si nabad iyo kala dambeyn leh.

"Inkasta oo aan gabi ahaanba kasoo horjeedo maxsuulka doorashadda iyo xaqiiqada dibada ii saartey, haddana waxaa jiri doonta xil wareejin ku qabsoonta si kala dambeyn leh," ayuu wariyeyaasha u sheegay Trump.

Biden ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka gedaal markii uu gobolada ka helay codadka ugu badan, halka Harris ay noqotay haweenaydii ugu horeysay oo madaxweyne ku xigeen noqota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

MBS: Israel waxay ku riixaysaa Mareykanka inuu galo dagaalka Iran

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in labada dhinac ay qaataan tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda si looga fogaado dagaal ballaaran.

  • Caalamka

    15-06-2025

  • 07:26AM

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM