Guusha Joe Biden iyo Kamala Harris oo la xaqiijiyey

Image

WASHINGTON, US – Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyey guusha musharaxiinta dimuqraadiga Joe Biden iyo Kamala Harris kuwaas oo loo kala doortey madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waddankaas.

Ansixinta ayaa timid maalin kadib markii jahwareer uu hareeyay dhismaha Koongareeska taasoo ka dambeysay markii ay gudaha ugu daateen taageereyaasha madaxweyne Donald Trump.

Xaqiijintan ayaa soo gabagabeyneysa geedi-u-socodka doorashooyinka 2020 ee Mareykanka waxaana ay ayideysa in Biden iyo Harris ay xilka la wareegaan 20-ka bishaan Janaayo ee sanadka cusub 2021-ka.

Si lamid ah, waxay soo afjareysaa dedaalo uu wadday Trump kuwaasoo uu ku doonayey in uu kaga hortago go’aanka Golaha Sharci-dejinta.

Trump ayaa go’aanka labada aqal ee baarlamaanka Mareykanka wuxuu shaaciyey in xilka uu ku warejin doono si nabad iyo kala dambeyn leh.

"Inkasta oo aan gabi ahaanba kasoo horjeedo maxsuulka doorashadda iyo xaqiiqada dibada ii saartey, haddana waxaa jiri doonta xil wareejin ku qabsoonta si kala dambeyn leh," ayuu wariyeyaasha u sheegay Trump.

Biden ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka gedaal markii uu gobolada ka helay codadka ugu badan, halka Harris ay noqotay haweenaydii ugu horeysay oo madaxweyne ku xigeen noqota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM