Haiti: Isku-day inqilaab oo "la fashiliyey" xilli xiisad ay jirto

Image

PORT-AU-PRINCE, Haiti - Tobanaan ayaa lagu xiray dalka Haiti iyaga oo loo haysto isku day afgambi oo dhacay Axaddii, halka dibad-baxayaal ay ku eedeeyeen madaxweyne Jovenel Moise inuu si aan dastuurka waafaqsanayn u kordhiyay muddo xileedkiisa.

Wasiirka cadaalada, Rockefeller Vincent, ayaa yiri "waxaan u qabanay 23 qof shirqool ka dhan ah qaranka". Wuxuu ku daray: "Waxaa ka mid ah garsooraha maxkamadda sarre".

Sida uu qabo dastuurka Haiti, xilheynta madaxweynenimada waa shan sano. Maxkamada sarre ee Haiti iyo Isbaheysiga mucaaradka ee waddankaas ayaa sheegaya in Moise oo ku guulaystay codbixintii labaad ee sanadkii 2016 ay ahayd inuu xilka ka dago Axadii.

Balse, Moise wuxuu ku doodayaa in ay tahay in uu helo hal sano oo dheeraad ah maadaama aan lama dhaarin illaa 2017 - sheegashadaas waxaa taageeray ururka ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyadda Mareykanka iyo maamulka madaxweyne Joe Biden.

"Maamulkeygu wuxuu ka helay shacabka Haiti sharci dastuuri ah oo ah 60 bilood. Waxaan daalnay 48 kamid ah. 12-ka bilood ee soosocda waxaa loo qoondeyn doonaa dib-u-habeynta waaxda tamarta, fulinta aftida, iyo abaabulka doorashooyinka," ayuu Moise ku qoray bartiisa Twitter-ka Axadii.

Moise ayaa in ka badan hal sano xukunka ku joogay digreeto, kadib markii dowladda ay ku guuldareysatay inay abaabusho doorashooyinka baarlamaanka, taas oo abuurtay firaaq dastuuri ah.

Toddobaadkii hore, afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, Ned Price, ayaa u sheegay wariyeyaasha in "madaxweynaha cusub ee la doortay uu xilka kala wareego madaxweyne Moise marka uu waqtigiisa dhammaado 7-da Febraayo sanadka 2022."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM