Hariiri oo aqbalay inuu u safro Faransiiska

Image

Ra’iisul wasaaraha Lebanon Saad Hariiri ayaa aqbalay yabooh ku saabsan inuu u safro dalka Faransiiska maalmaha soo socda, taasi oo ah dhacdadii ugu dambeysay ee ku hareereysan ku dhawaaqistiisa inuu xilka iska casilay horaantii bishan.

Hariri ayaa ku sugnaa dalka Sacuudiga tan iyo markii uu is-casilay, taasi oo dhalisay su’aalo ku saabsan in halkaasi lagu haysto, kuna hogaamisay madaxweynaha Lebanon Michel Aoun inuu sheego in Hariri la xabisay.

Aoun ayaa sheegay inuusan si rasmi ah u aqbali doonin is-casilaadda Hariri illaa uu kaga soo laabto dalka Lebanon.

Madaxweynaha ayaa sheegay maanta inuu rajeynayo in aqbalaadda Hariri ee ah inuu u safro France ay soo geba gebeyn doonto xasaradda. Waxa uu intaas ku daray in uu go’aansan doono tallabooyinka xiga ee dowladda Lebanon marka uu Hariri dalka kusoo laabto.

Saudi Arabia ayaa taageertay Hariri iyo xulufadiisa intii lagu guda jiray sanado ay Lebanon ka jireen dagaallo siyaasadeed, ayada oo Iran ay taageerto kooxda Hezbollah.

Markii uu is-casilay ayaa khudbad uu jeediyey oo laga soo baahiyey Sacuudiga wuxuu ku dhalleeceeyey Iran iyo Hezbollah inay kala geynayaan dalalka Carabta, wuxuuna sheegay inuu ka baqayo in la khaarijiyo. Hariri aabihiis, oo ahaa ra’iisul wasaare, Rafik Hariri ayaa waxaa 2005 lagu dilay qarax bam.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM