Haweenay loo karantiilay Coronavirus oo kufsi wadareed lagula kacay

Image

NEW DEHLI, India – Haweenay da'deeda ay u dhaxeyso 40-45 jir ayaa todobadkii hore kufsi wadareed loogu geystay gobolka Rajasthan ee Hindiya, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidamada bileyska.

Dhibanaha oo magaceeda loo qariyey si loo badbaadiyo sumcadeeda ayaa lagu faraxmeeyay gudaha Iskuul ay askarta u geeyeen sabab la xiriirta karantiilka Covid-19, cudurka uu sababo Coronavirus.

War-saxaafadeedka bileyska oo lagu qeexay in dhacdadaan lasoo wariyey 23-kii April ayaa xaqiijiyey in xabsi loo taxaabay raggii ka dambeeyay falkaas isla markaana uu haatan ku socdo baaritaan.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, waxaa shaqo joojin lagu sameeyay sarkaalka booliska ee shaqadda ku qornaa xilliga uu xadgudubka dhacay.

Haweenayda oo socoto ahayd ayaa ka timid magaala quruxda badan Sawai Madhopur, halkaasoo ay kasoo lugeysay. Iyaddoo lugeyneysa ayay qabteen ciidamada kadibna way karantiileen.

Xarun kale ayaa loo wareejiyey, mana cadda goorta ay halkaas ku qaadan doonto maadaama laga baarey xanuunka dilaaga ah.

Hindiya oo laga xaqiijiyey 26,496 kiis oo ah Coronavirus iyo 824 dhimasho ah ayaa lagu tilmaamay dalka ugu badan ee dadkiisu go'doonka ku jiraan. Dhanka kale, wadankaas waxaa 20-kii daqiiqo walba ka dhaca kufsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM