Hay’ad codsatay in baaritaan lagu sameeyo weerar ay isreal ku dishay shaqaale ka tirsan

Image
Hay'adda ayaa dalalka Caalamka ugu baaqday in cadaadis la saaro Isreal

Qasa (GO) - Hay'adda gargaarka ee World Central Kitchen ayaa ku baaqday in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii Israa'iil ay ku dishay 7 ka mid ah shaqaalaheeda horraantii toddobaadkan.

Hay'adda ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in ay ugu baaqayso dowladaha Australia, Canada, Mareykanka, Poland iyo Britain in ay ku biiraan si ay u dalbadaan baaritaan madax banaan oo dhinac saddexaad ah oo lagu sameeyo weerarka Israel.

Waxa ay sheegtay in weerarka Israel oo dhacay habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay, uu ka koobna dhowr duqeyn oo lala beegsaday 3 baabuur oo ay saarnaayeen dad rayid ah.

Waxay ku tiri hadal ay soo saartay, "Waxaan dalbanaynaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkan oo ay Israa'iil ku dishay 7 ka mid ah shaqaalaheenna ka howlgala Qasa."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM