​Hay'adda Amnesty oo eedaysay Ethiopia

Image

Warbixin ay soo saartay hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayay kaga hadashay tacadiyo ka dhacay dalka Ethiopia, waxayna sheegtay in xukuumadda Addis Ababa, ay laayeen dad badan oo kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada.

Amnesty, waxay sheegtay in si bareer ah loo dilay boqolaan kamid ah Qowmiyaddaasi iyadoo sidoo kale ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen kuwo kale.

Eedaynta ayaa timi kadib markii ay isku dhaceen dowladda Ethiopia iyo dad kasoo jeeda Oromada, kuwaasi oo diiday inay bixiyaan dhul la sheegay inay ku fidayso caasimadda Addis Ababa.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa dhacay mudaharaadyo kala duwan kuwaasi oo lagu waxyeelleeyay dad shacab ah oo kasoo horjeestay qorshahaas iyagoo ka cowday inay ku waayayaan beero badan.

Dhinaca kale waxa  arrintaasi ka hadashay dowladda Ethiopia oo ku gacan sayrtay eedahaas iyadoo tilmaamtay inaysan jirin cid lagu tacadiyay dalka Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM