Heshiis khuseeya colaadda Yemen oo qalinka lagu duugay

Image

CADAN, Yemen - Isbaheysiga carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa Jimcihi ku dhawaaqay, heshiis awood qeybsi ah oo ay wada gaareen Dowladda uu caalamka aqoonsanyahay iyo Kooxda Gooni-u-goosadka ee koofurta.

Heshiiskaan ayay dhinacyada saxiixay ku kala qeybsadeen golaha wasiiradda ee dowladda. Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Abd-Rabbu Mansour Hadi, ee xarunteedu yahay magaalada Caden iyo Kooxda Gooni-u-goosadka oo labaduba xulafo la ah Isbaheysiga, ayaa bilooyinki ugu danbeeyay ku dagaalamay gobollo ka tirsan oofurta Yemen.

Bayaan kasoo baxay xafiiska madaxweyne Hadi ayaa lagu sheegay, in ra’isulwasaaraha cusub loo magacaabay Maeen Abdulmalik kaasoo hogaamin doono golo wasiirro oo ay ku jiraan shan wasiir oo kala matalaya xisbiyada siyaasadeed ee ugu weyn Yemen, kuwaasoo ay mid yihiin STC iyo xisbiga Islax.

Madaxweyne Hadi ayaase ku guuleystay inuu ceshto wasiirradiisii muhiimka ahaa, sida wasiirka gaashaandhiga, kan arrimaha gudaha, dibadda iyo maaliyadda.

VOA

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM