Heshiis khuseeya colaadda Yemen oo qalinka lagu duugay

Image

CADAN, Yemen - Isbaheysiga carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa Jimcihi ku dhawaaqay, heshiis awood qeybsi ah oo ay wada gaareen Dowladda uu caalamka aqoonsanyahay iyo Kooxda Gooni-u-goosadka ee koofurta.

Heshiiskaan ayay dhinacyada saxiixay ku kala qeybsadeen golaha wasiiradda ee dowladda. Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Abd-Rabbu Mansour Hadi, ee xarunteedu yahay magaalada Caden iyo Kooxda Gooni-u-goosadka oo labaduba xulafo la ah Isbaheysiga, ayaa bilooyinki ugu danbeeyay ku dagaalamay gobollo ka tirsan oofurta Yemen.

Bayaan kasoo baxay xafiiska madaxweyne Hadi ayaa lagu sheegay, in ra’isulwasaaraha cusub loo magacaabay Maeen Abdulmalik kaasoo hogaamin doono golo wasiirro oo ay ku jiraan shan wasiir oo kala matalaya xisbiyada siyaasadeed ee ugu weyn Yemen, kuwaasoo ay mid yihiin STC iyo xisbiga Islax.

Madaxweyne Hadi ayaase ku guuleystay inuu ceshto wasiirradiisii muhiimka ahaa, sida wasiirka gaashaandhiga, kan arrimaha gudaha, dibadda iyo maaliyadda.

VOA

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM