Hillary Clinton oo shaacisey inay u tartameyso madaxtinimada USA

Image

April 13, 2015 (GO)- Xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa shaacisey inay u tartami doonto murashaxa xisbiga dimuqraadiga uga qayb galeya doorashada madaxatinimada Maraykanka ee sanadka 2016.

Farriin muuqaal ah oo shalay  lagu baahiyey bogga ay ku leedahay internetka ayey ku sheegtay inay ka qayb geli doonto doorashada.

"waxan ka qayb gelayaa doorashada...dhammaan dadka Maraykanku waxay doonayaan halyey aniguna waxan doonayaa inaan noqdo halyeyga ay doonayaan" ayey tiri.

Ololaha doorashada Clinton waxaa ku bixi doona adduun lacageed oo gaaraya 2.5 bilyan oo doolar, waxayna haddii xilkaas loo doorto noqonaysaa haweenaydii ugu horreysey ee dalka Maraykanka madaxweyne ka noqoto. Saygeeda Bill Clinon ayaa muddo siddeed sano ah Maraykanka soo hoggaaminayey.

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo Barack Obama ayaa guul u rajeeyey Hillary Clinton isagoo xusey in haddii la doorto ay noqon doonto madaxweyne wanaagsan. Obama iyo Clinton ayaa sanadkii 2008 ku tartamey murashaxnimada xisbiga dimuqraadiga, taasoo markii dambe guushu ku raacdey Barack Obama.

Hillary Clinton oo 67 jir ah waxaa la filayaa in haddii ay ku guuleysato murashaxnimada xisbiga dimuqraadiga uu loollan xoogani dhex maro guddoomiyihii hore ee gobolka Florida Jeb Bush, kaasoo ah wiilka madaxweynihii 41-aad ee dalkaas George HW Bush islamarkaana ay walaalo yihiin madaxweynihii ka horreeyey Brack Obama George W Bush. Jeb Bush ayaa kamid ah siyaasiyiinta ugu cad cad in loo magacaabo murashaxa xisbiga dimuqraadiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM