Hishiis dhexmaraya hogaamiyaasha South Sudan

Image

25 August, 2015- Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa sheegay in heshiis nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda dalkaasi uu saxiixi doono Arbacada beri ah.

Madaxweynaha Dalkaasi ayaa sheegey inuu diyaar u yahay saxiixa hishiiska dhexmara isaga hogaamiyaha mucaaradka, Riek Machar oo ay isku hayaan siyaasadda dalkaasi.

Mr Kiir ayaa todobaadkii lasoo dhaafay diiday inuu qalinka ku duugo heshiiska labada dhinac.

Salva Kiir ayaa codsaday in la siiyo 15 maalmood oo uu kusoo tashado, waxaana cadaadis lagu saarayay inuu aqbalo heshiiska awood qeybsiga ama uu muteysto cunaqabateyn.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa la filayaa inay ka doodo qaraar qabyo ah oo lagu diyaarinayo cunaqabateyn ka dhan ah madaxda South Sudan, haddii ay saxiixi waayaan heshiiska.

Hogaamiyaasha dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Sudan ay caasimada Jubba uga qeyb gali doona hishiiska dhexmari doona labada hogaamiye oo loo ballansanyahay Arbacada bari ah.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM