Hishiis dhexmaraya waddamada Pakistan iyo India

Image

10 December, 2015(GO)-Wasiiradda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalalka India iyo Pakistan ayaa ku dhawaaqay inay ka wada hadlayaan khilaafka mudada u dhaxeeyay.

Kulan labada hogaamiye ku dhexmaray magalada Islamabad, ayaa laga soo saaray qoraal wadajir ah, waxaana ku dhignaa ina laga wada-xaajoodo arrimaha lagu muransanyahay, gaar ahaa gobolka Kashmiir iyo weerarada argagixiyo ee ka tallaaba xuduudada labada dhinac.

Hishiiskan, ayaa yimi ka dib markii Ra'isal wasaarayaasha labada dal, Narendra Modi iyo Nawaz Sharif, ku kulmeen shir looga hadlayay cimilada Adduunka.

Wadahadalkii ugu dambeeyay ee dhexmara labada dal ayaa bur buray 2008-dii markaasoo kooxo mintidiin ah weeraro ka fuliyeen magalada Mumbai.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM