Hogaamiyaha Hong Kong oo xilka loo dhaariyay

Image

Madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa ka qaybgalay dhaarinta xafladda hogaamiyaha cusub ee Hong Kong, Carrie Lam, xili la xusayo 20 guuradii ka soo wareegtay marka Britain ay ku wareejisay Shiinaha.

Lam, ayaa ah haweenaydii ugu horraysay ee hogaamiye ka noqota Hong Kong. Xi Jinping ayaa ka qaybgalay xaflado dhowr ah oo ay ka mid tahay xaflad calanka lagu saarayay, xili ammaanka si wayn loo adkeeyay.

Hasa yeeshee isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaal taageersan dimuqraadiyadda iyo kuwa taageersan xukuumada Beijing ayaa ka dhacay meel u dhaw goobta ay xafladda ka dhacaysay, waxaana la xiray dhowr qof.

Khudbad uu jeediyya ayuu Xi ku sheegay in Hong Kong imika ay ku naaloonayso dimuqraadiyaddii ugu waynayd ee abid soo marta taariikhda.

Waa booqashadisii ugu horraysay ee uu magaaladaas ku tago tan intii uu noqday hogaamiye 2013 waxa ayna imanaysaa saddex sano ka dib markii qaybo ka mid ah Hong Kong,ay ka dhaceen dibadbaxyo bilooyiin socday oo lagu doonayay dimuqraadiyad.

Weriyaha BBC ee Hong Kong Juliana Liu ayaa barteeda a tweetarka ku sheegtay in ay jiraan isku dhacyo dhexmaray booliiska iyo dibad baxayaal taageersan dimuqraadiyada.

Xisbiga u janjeera dhanka dimuqraadiyadda ee Demosisto, ayaa sheegay in ay booliiska xireen shan qof oo ka mid ah xubnaha xisbiga iyo shan xubnood oo ka mid ah xisbiga League of Social Democrats.

Dadka la sheegay in la xiray waxaa ka mid ah Joshua Wong, oo ah hogaamiyaha daladda dhaqdhaqaaqa dibadbaxyda.

BBC

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM