​Hogaamiyihii Mucaaradka Congo oo geeriyooday

Image

Hogaamiyihii Xisbiga Mucaaradka dalka Congo, Etienne Tshisekedi ayaa geeriyooday isagoo arrimo caafimaad ugu maqan dalka Belgium gaar ahaan magaalada Brussels.

Sida ay shaaciyeen Xisbiga UDSP, Etienne ayaa muddooyinkii dambe sheeganayay xunuuno kala duwan.

Ninkan oo da'diisu ahayd 85 sano ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Congo, kadib markii uu aas-aas xisbigaas Sideetameeyadii.

UDSP, ayaa Mudane Etienne ku mucaaraday kaligii taliyihii hore ee dalkaasi Mobutu Sese Seko, kaasoo muddo dheer soo xakumayey dalka Kongo oo barigaasi loogu yeeri jiray Zaire.

Shisekedi oo marar kale duwan Ra’isulwasaare usoo noqday madaxweyne Mobutu Sese Seko ayaa in mudda ahba ku noolaa dalka dibadiisa ka hor inta uusan dib ugu laaban Conggo bishii July ee sanadki hore.

Dhimashadiisa ayaa hadda kusoo aaday xilli uu waqti adag ku jiro dalka Congo oo ay mucaaradku ku riixayaan madaxweyne Joseph Kabila inuu iscasilo kadib marki ay ku eedeeyeen inuu doorashadii dalkaasi ka dhacday musuq-maasuqay.

Madaxweynaha dalkaas iyo dhammaan siyaasiyiinta dalkaas ayaa tacsi u diray ehelka uu ka tagay waxayna ku tilmaameen halyeey Qaran oo dalka waxbadan usoo qabtay.

Wuxuu ku dhashay December 14, 1932 magaalo lagu magacaabo Belgian oo katirsan dalka Congo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM