Hogaamiyihii mucaaradka Suuriya oo la dilay

Image

26 December, 2015(GO)-Weerar ay fulisay diyaarad ay leedahay xukuumadda Moscow ayaa lagu dilay hogaamiyihii kooxda mucaaradka Jaysh al-Islam iyo dhawr sarkaal oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in Zahran Alloush iyo dhowr sarkaal oo kale ay ku dhinteen duqeyn diyaaradaha Ruushka ka fuliyeen degmo ku taalla duleedka caasimadda Suuriya  ee Dimishiq.

Jabhadda uu hogaaminayay Zahran ee Jaysh al-Islam ayaa waxaa si weyn u taageerta dowladda Sacuudi Carabiya, wuxuuna Alloush noqday sarkaalkii ugu sareeyay ee ku dhinta duqeymaha Ruushka tan iyo markii uu howgalka ka bilaabay Suuriya.

Moscow ayaa ka aaminsan kooxdan Argagixiso khatar ku ah nabad galyada Caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM