Hoggaamiyihii LRA oo kasoo hormuuqanaya maxkamada Huge

Image

January 26, 2015 (GO)- Hugaamiyihii Jabhada LRA Dominic Ongwen ee dhowaan la qabtay ayaa la filayaa maanta in la horgeeyo maxkamada dembiyada dagaalka ee ICC.

Ongwen ayaa wajahaya eedo kulul iyo falal xad gudub ku ah aadanaha oo ay geysatay jabhadiisa LRA oo lagu tilmaamo mid arxan daran oo qasta xaaladaha nolosha iyo siyaasadda Afrika dhexe.

Fatou Bensouda oo ah dacwad ooge sare oo ka tirsan ICC ayaa boggaadisay in sarkaalkan dacwadiisa loo dhiibay maxkamadooda, taas oo ay ku tilmaantay mid soo afjarayso falalkii argagixinta ahaa ee ay waday LRA.

LRA ayaa lagu eedayaa askaraynta carruurta oo ay weliba qafaashaan iyo xasuuq ay ka geysteen dalalka Congo ilaa Uganda, maadama ay ku xoog badan yihiin keymaha dalalkaas.

Dominic Ongwen ayaa lagu qabtay bishii hore dalka Congo, wuxuuna haatan gacanta ugu jiraa ICC oo 10 sano ka hor dalbatay in la soo qabto isaga iyo afar hugaamiye oo kale.

Ongwen wuxuu ku dhex koray LRA kadib markii ay qafaasheen isagoo jira 10 sano una socday iskuul ku yiilay woqooyiga Uganda, sida taariikhdu qortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM